Axmed Karaash oo diiday magacaabidii Golaha Wasiiradda ee xalay Deni magacaabay

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa goor dhaw soo saaray wareegto uu ku cadeynayo in aysan sharciyad aheyn golihii wasiiradda ee uu xalay magacaabay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ka dib markii uu sheegay in aan lagala tashan.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in ay Puntland waqtigan ku jirto xaalado adag oo dhanka Ammanka & Caafimaadka ah, wuxuuna sheegay in talaabada la qaaday labaal-maray gabi ahaanba Dastuurka Puntland oo ogolaanaya in lala tashado.