Dhageyso:-Kooxo hubeysan oo Afduub & dhac ka bilaabay Muqdisho

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafado ka tirsan degmooyinka Howl-Wadaag iyo Warta-nabada maalmihii la soo dhaafay dadka ku nool waxaa kasoo yeereysay cabasho ku aadan  inay jiraan Kooxo hubeysan oo dadka Shacabka ah dhac u geysanaya waqti walba.

Dad Shacab ah oo la soo xiriiray Idaacadda Risaala ayaa waxaa ay sheegeen in Rag hubesan oo wata gaadiidka loo yaqaano Mooto Bajaajta ay habeen iyo Maalin dhac u geysanayaan dadka Shacabka ee ku nool degmooyinka Wartanabada iyo howl-Wadaag.

Qaar kamid ah dadka dhaca loo geystay oo la hadlay Risaala ayaa waxaa ay sheegeen in ragga dhaca geysanaya oo bustoolado ku hubeysan ay kuu wadayaan qaab afduub ahaan,iyaga oo kuu sheegaya inay yihiin Ciidamo ka tirsan dowladda lagaana shakiyey,hayeeshee kadib kaa qaadanaya wax alaala wixii aad heysato.

Mid kamid ah dadka dhaca loo geystay ayaa sharaxaad ka bixiyey dhacdadii ugu dabeeysay ee ka dhacday meel aan ka fogeen Isgoyska laba dhagax ee Magaalada Muqdisho dad badana looga qaatay Mobeelo ay isticmaalayeen.

Markii ay soo gaartay Risaala cabashada dadka Shacabka ah ee sheegaya in rag hubeysan oo sheeganaya inay ka tirsan Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Nabadsugida ay dhac u geysnayaan ayaan waxaan la xiriirnay Booliska Soomaaliya,hayeeshee ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan.