Dhageyso:-Muuse Biixi”Marnaba ma aqbaleyno Deeq naloo soo mariyo Dawlada Somalia”

Madaxweynaha Soomaaailand Muuse Biixi Cabdi oo Maanta jeediyey khudbad gaar ah oo ku saabsan xuska 18 Bisha May oo Soomaaliland u aqoonsan tahay maalintii ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale ayaa ka hadlay wada-hadallada Somaliland iyo Dowladda Federaalka iyo Deeqaha loo soo marsiiyo Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi waxaa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan deeqaha Beesha Caalamka ay siinayaan Soomaaliland balse marnaba aysan aqbaleyn in loo soo marsiiyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u arkaan inay tahay cadawga Soomaaliland,isla markaana diidan madaxbanaanidooda,sidoo kalena ka hortaagan in la aqoonsado.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliland ayaa soo hadal qaaday arrimaha la xiriira wada-hadallada Somaliland iyo dowladda Federaalka,waxaana uu sheegay inay wadahadal diyaar u yihiin,balse marka hore looga baahan yahay inay Dowladda Federaalka, Soomaaliland u aqoonsato inay kala yihiin labada dal.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Saddexdii sano ee la soo dhaafay ee dowladda Madaxweyne Farmaajo aan wax wada-hadal ah la gelin Soomaaliland,isla markaana hadallo sii kala fogeeynaya ay Warbaahinta isku marinayeen.