Dhageyso:-Madaxwayne Deni “Waxaan dagaal adag la galeynaa Al-Shabaab & Daacish”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul uga hadlay falalka amni darro ay maalmahaan kusoo kordhay deegaannada Maamulka Puntland oo qaarkood lagu dilay Mas’uuliyiin Sar sare.

Waxaa uu sheegay Deni in Xukuumadda Puntland aysan niyad jebin doonin howlaha ay bulshada u hayaan,isla markaana falalkii lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal iyo Guddoomiyihii Gobolka Mudug ay dad u hayaan,isla markaana dhawaan Maxkamad la soo taagi doono.

Sidoo kale Madaxweyne Deni waxaa uu sheegay in puntland ay wado qorsho amni,sidoo kale ay ku raadjoogaan Xubno ka tirsan Daacish iyo Al-Shabaab,isla markaana Puntland ay dagaal adag la geli doonto Al-Shabaab iyo Daacish.

Hadalka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muddo laab bilood gudahood ah deegaannada Puntland lagu dilay Guddoomiyeyaashii Gobolada Mudug iyo Nugaal.