Lataliyaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) ayaa ka hadlay sababta uu caabuqa ugu fiday goboladda dalka asagoo ku micneeyay isu socodka gaadiidka maadama dadku ay isticmaalayaan gawaari dhulka ah diyaaradihiina la xiray, taas ayaa badisay fursada qofka xanuunsan uu ku gaarsiin karo dadka kale caabuqa.
Lataliyaha ayaa bulshada u jeediyay in rakaabka ay qaataan Af-xir ama Maaskaro si ay uga badbaadaan caabuqa, si lamida maamulada ay u diyaariyaan meelo lagu karantiilo dadka soo galaayo magaalooyinkooda ka dibna baarid ay marsiiyaan si loo hubiyo caafimaadkooda laguna dadaalo badqabka dadka deegaanka ah.
Wuxuuna si gaara ah diirada u saaray Qaadka asagoo bulshada la wadaagay habka soo guridiisa inay tahay qaab aad u haleysan oo gacmo wasaqeesan lagu soo guro ayna macquul tahay in ay qabaan cudurka, lamana kariyo si uu jeermiska uga dhinto, hadaba xiligaan hada la joogo wuxuu ku baaqay in la joojiyo cunidiisa maadama ay keeneyso qatar caafimaad.
Waxaa uu xusay in baahi weyn loo qabo sidii wax looga bedeli lahaa dhaqanka dadka oo ku saabsan cudurka Covid-19 si looga hortago cudurka oo kusii faafaya dadka.



