Dagaaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu xalay ka dhacay degmada Afgooye oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose,waxaana uu u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid,kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisinka Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Koontoroolka Mukayga ee degmada afgooye, waxaana la sheegay in dagaal socday in ku dhow saacad uu halkaasi ka dhacay.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac ee wada dagaalamay,hayeeshee aysan sirasmi ah u cadeyn karin khasaaraha labada dhnac kasoo gaaray dagaalka.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen.
Deegaano katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab,waxaana saraakiisha Ciidamada Dowladda & Shabaab ay ka kala sheegtay Guulo kala duwan.



