Heshiis horudhac ah oo laga gaaray Colaad ka jirtay G/Galgaduud

Degaanka Xananbuure ee Gobolka Galgadud waxaa lagu qabtay kulan lagu hehsiisiinayay laba maleeshiyo beeleed oo maalmo ka hor ka dhacay Deegaanka Qalaanqale ee Gobolka Galgaduud,waxaana la sheegay in hehsiis horudhac ah la gaaray.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug,waxaana Goobjoog ka ahaa dhamaan Hay’adaha Amniga Galmudug,mas’uuliyiinta Maamulada,Magalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado iyo Odayaasha Dhaqanka labada Beelood ee dagaalamay.

Guddoomiyaha Caasimadda Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb C/raxmaan Cali Maxamed (Geeda Qorow) iyo Guddoomiyaha Magaalada Cadaado C/raxmaan Xuseen(Tootoole) ayaa waxaa ay ugu baaqeen Odayaasha labada Beelood inay dhaqan geliyaan Heshiiska,isla markaana ay wada qaataan nabada si xasiloonida loo ilaaliyo.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee labada dhinac isku soo hor fariistaan, isagoo gungaar u noqonaya waan waan maalmahanba socotay oo lagu kala qaadayo maleeshiyaadka si loo abuuro jawi xasilooni leh oo dadka deegaanka ay ku wada noolaadaan.