Dhageyso:-Jubbaland oo faah faahisey howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose,kaas oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay duleedka deegaanka Kudhaa oo hoostaga degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose,waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen inay dilen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee deegaanka Kudhaa Maxamed Maxamuud Faarax ayaa sheegay in intii ay howlgalka wadeen ay deegaanka Yaaqbuul oo 25km u jira deegaanka Kudhaa ay ku dileen Shan xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay dagaal culus uu Ciidamada Daraawiishat Jubbaland iyo Al-Shababa ku dhexmaray deegaanka Yaaqbuul,isla markana Ciidamada Jubbaland ay howlgallada sii wadi doonaan.