Somaliland oo xaqiijsay Kiisaskii ugu badnaa ee Corona Virus ah

Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland ayaa xaqiijisay 11 qof  cudurka Corona Virus laga helay maanta Somaliland.

Wasaaradda ayaa sidoo kale xaqiijisay Hal qof oo cusub in uu geeriyooday.

Dadka laga helay cudurka ayaa kala jooga Hargeysa, Sanaag iyo Burco.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo jeedinaayay warbixin maalmeedkii wasaaradda caafimaadka waxa kale oo uu sheegay inay kordheen dadka khadadka telefoonada kula soo xidhiidha xarunta wacy’gelinta xannuunkaas iyo dadka leh mihnadaha caafimaadka ee isu diiwaan gelinaaya ka qayb qaataan dadaalada ku saabsan ka hortagga xannuunka Corona Virus xiliga loo baadho.

Agaasime Xergeeye ayaa sheegay in shaybaadhkii lagu baadhayey xanuunka Coronavirus la hawl galiyey isla markaana aanay jiri doonin in dheecaan dambe loo diro wadanka dibadiisa, isaga oo xusay inay ka hawl gali doonaan shaqaale loo tababaray ku shaqaynta qalabka lagu baadhayo xanuunkaasi.