Maamulka puntland ayaa shaaciyey inay diyaariyeyen Ciidamo Boolis ah oo loogu talo galay inay ka hortagaan faafitaanka Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay deegaannada Maamulkaas.
Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Puntland Sareeye Guuto Cabdi Xasan Xuseen ayaa sheegay in Ciidamadaas ay roondooyin ku sameyn doonaan dhamaan degmooyinka Puntland si ay u hubiyaan dhaqan galaka Awaamiirta Maamulka ee ku aadan ka hortagga COVID-19.
Waxaa uu sheegay inay jiraan Goobo Ganacsi oo qaarkood aan fulin Awaamiirta,isle markaana ay diyaar u yihiin inay ka qaadaan tallaabada ku haboon si dadka loo badbaadiyo.
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland waxaa uu sidoo kale sheegay inay jiraan ayna soo laab laabatay in dad laga helay Cudurka Coronavirus ee lagu amray inay Guryahooda joogaan hadana Magaalada ay iska dhex socdaan taasina ay qeyb ka tahay waxyaabaha ay ka hortagayaan.
Hadalka Taliyaha Ciidamada Booliska Maamulka Puntland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Cudurka Coronavirus uu kusii faafayo deegaannada Puntland,isla markaana saacadihii la soo dhaafay laga helay 8 Ruux oo ay kamid yihiin laba ka mid Golaha Wasiirada Puntland.



