Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo xayiraad lagu soo rogay

Wasiirka Caafimadka ee dalka Kenya ayaa xayiraad guud ku soo rogay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi iyo qayb ka mid ah magaalada Mombasa.

Tan ayaa imaanaysa kaddib markii shalay xaafadda Islii laga helay 29 kiis ee cudurka safmarka ee Coronavirus.