Wafdi ka socda dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya oo gaaray Bardaale

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa gaaray degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Wasiirka Gaadiid Soomaaliya, labada safiir ee Kenya iyo Itoobiya Soomaaliya u fadhiya iyo Xasan Eelaay Wasiirka Gaadiidka ee Koonfur Galbeed ayaa gaaray goobtii shalay ay ku burburtay Diyaaradda.

Mas’uuliyiintan ayaa ka qeyb qaadanaya baaritaanka shilkii diyaaraddii African Express lagu soo riday.

Sidoo kale waxay la kulmayaan Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo maamulka deegaanka, si ay uga wareystaan qaabkii shilka u dhacay.

Diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ayaa Mas’uuliyiintan ka qaaday Muqdisho, iyagoo noqday Mas’uuliyiintii u horreeyay ee taga goobta diyaaradda ku burburtay.