Akhriso:-Magacyada Dadkii ku dhintay diyaaradii ku dhacday Bardaale

Lix qof oo saarnayd diyaarad sidday xamuul ayaa ku dhintay kadib markii diyaaraddaasi ay ku dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Bardaale ee gobolka Baay.

Wasiirka Gaadiidka ee Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa  sheegay in laba ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen Soomaali. Weli lama shaacin dhalashada dadka kale.

Sababta dhalisay inay diyaaradda ay burburto ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan,waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Garoonka ay soo rideen,kadib markii ay ka shakiyeen.

Magacyada qaar kamid ah dadkii saarnaa diyaarada ee ku dhintay ayaa waxaa kamid ah.

1: Captan Xasan Muuse Bulxa.
2: Captan Mabruuk
3: Captan Cumar
4: Eng u dhashay dalka Kenya
5: Cali madax gaduud oo ahaa Masuulkii Xamuulka loo waday
6: Saciid Cabdulaahi Maxamed Wakiilkii Shirkadda.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin diyaaradaasi lagu soo riday degmada Bardaale marka laga reebo Wasiirka Gaadiidka Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay inay baaris ku hayaan.