Madaxweyne Qoor Qoor oo faah faahiyey khasaaraha ka dhashay Roobkii da’ay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa faaf faahiyay waxyeeladii ka dhalatay roobabkii Gu’ga ee ka dhawaan ka da’ay deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa xusay in daadad xoog leh kusoo rogmadeen Magaaalada Bacad-weyn ee Koonfurta Gobolka Mudug kuwaas oo sabab qasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in roobabka Gu’ga ay saameyn aan wanaagsaneyn ku yeesheen deegaano hoos yimaada Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb isla markaana ay biriq ku dhishay Afar qof oo ka mid ah dadka deegaanka ina-mad oo hoos yimaada Caasimada Galmudug.

Qoyska ay biriqdu ku dhacday ayaa ka koobkaan Todobo ruux iyadoo oo dishay Afar caruur ah isla markaana uu dhaawac kasoo gaaray hooyada reerka iyo mid ka mid ah caruurta.

Madaxweynuhu waxa uu baaq degdeg ah u jeediyay Ganacsada reer Galmudug iyo Dowalda Federaalka ahi ay gurmad degdeg ah lasoo gaaraan deegaanada ay roobabka iyo daadadku ku soo fataheen..

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa ka hadlay cudurka Covid19 oo faro ba’an ku haya Dunida iyo Soomaaliyaba waxa uuna shacabka reer Galmudug ugu baaqay in ay u hogaansamaan awaamiirta iyo fariimaha Caafimaadka taxadar iyo dadaal dheeri ahna muujiyaan.