Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray nadaafad-darro baahsan oo ka dhalatay daadadkii ku fatahay magaalada Qardho kuwaas oo keeni kara xanuuno halis ah.
Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in daadadkii ku rogmaday Qardho ay isku fureen suuliyaashii iyo ceelashii laga cabi jiray ee magaalada taasina ay ka dhalan karaan cuduro halis ah.
Dr Jaamac Faarax Xassan Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa sheegay in suuqyadii magaalada iyo waddooyinka qaar ay daadadkaas ku reebeen qashin iyo dhiiqo badan oo isku dhex qasmay oo sababi kara xanuuno ay ku jiraan shubanka iyo daacuunka oo ka daran COVID-19.
Sidoo kale wuxuu aad shacabka Qardho uga digay in ay iska ilaaliyaan biyaha wasakhaysan ee ceelasha suuliyaashu ku furmeen iyo sidoo kale qashinka iyo biyaha isku milmay ee daadadku ka tageen.



