Maamulka Puntland ayaa beeniyay in diyaarado ka socda dowladda Soomaaliya oo sidda gargaar in ay ka degeen Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland si loogu gargaaro Shacabka degmada Qardho.
Puntland waxa ay beenisay in gargaarka ay siddaan diyaaradahaasi ay ka yimaadeen dowladda dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana waxa ay sheegtay in Hay’addaha Qaramada Midoobey ay Puntland u soo direen diyaaradaha.
Maxamed C/raxmaan Dhabancad Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa sheegay in gargaarkan uu uga yimid dhanka Hey’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR, balse uusan uga imaan dowladda dhexe.
Hadalka Wasiirka ayaa ka dambeeyay markii wafdi Wasiiro oo ka socday dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayay Wasiir Jamaal Maxamed Xasan markii ay ka dageen Garowe ay sheegeen in deeqdan ay soo dirtay dowladda Soomaaliya, kuwa kalena ay soo wado.
Arrintan ayaa durba dhalisay doodo kala duwan, marka loo eego sheegashada dowladda Federaalka ee gargaarkaas iyo beeninta Puntland.



