Qof looga shakisnaa Coronavirus oo ku geeriyooday Somaliland

Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal  waxaa lagu aasay qof looga shakisnaa Cudurka Coronavirus,kaas oo maalmihii la soo dhaafay xanuunsanaa balse geeriyooday.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qofkaasi oo ahaa Dhalinyaro uu ku jiray Xarun karantiil oo ku taalla Magaalada Boorama,isla markaana dheecaan laga qaaday loo diray baaritaan,hayeeshee inta aan la helin jawaabta uu geeriyooday.

Meydka marxuumka ayaa waxaa aaskiisa ka qeyb qaatay Shaqaale Waaxda Caafimaadka Soomaaliland ka tirsan oo la diyaariyey iyo dad kooban oo kamid ah eheladiisa,sida ay sheegeen Wariyeyaal ku sugan Magaalada Boorama.

Baaritaanka loo diray dheecaanka laga qaaday ayaa hadii la helo jawaabta oo ah in uu qabay Cudurka Coronavirus waxaa uu noqonayaa qofkii ugu horeeyey oo deegaannada Soomaaliland ugu geeriyooda Cudurka COVID-19.

Dhimashada qof looga shakisanaa Cudurka Coronavirus ee Magaalada Boorama ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli qofkii ugu horeeyey uu Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday deegaannada Puntland.