24kii saac u dambeeyay, waxaa la baaray 25 qof oo looga shakiyay caabuqa coronavirus. 19 kamid ah ayaa laga helay cudurka.
19-ka qof ee maanta cudurka laga helay 15 waa Lab, 4 waa Dhedig.
Tirada guud ee ilaa hada la xaqiijiyey: 135.
Tirada dhimashada ilaa maanta waxay maraysaa 7.
Wasaaradda Caafimadka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay qaatan talooyinka Caafimaadka ee kasoo baxaya Wasaarada.
Soomaaliya ayaa hoggaaminaysa Kisaska ugu yar dadka uu sameeyay Cudurka Corona Virus ee dalalka geeska Afrika.



