Maamulka Hir-Shabeelle oo joojiyey duulimaadyada rayidka

Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa ku dhawaaqey inay  Hakiyeen duulimaadyada Rayidka ah ee soo aada Magaalooyinka Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Qoraal ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare lagu shaaciyey in Duulimaad gaar ah oo aan fasax heysan la ogolaan doonin in ay isticmaalaan garoomadda Diyaaradaha deegaannada Hirshabelle.