Xidig caan ah oo kulmiyey 7 Kooxood

Liverpool, Manchester United, Juventus, Borussia Dortmund, Ajax, Atletico Madrid iyo Manchester City ayaa ka mid ah kooxaha doonaya inay la soo wareegaan Ferran Torres.

Xiddiga Valencia ayaa ah hanti aad loo raadinayo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Waxaana ay u muuqataa in 20 jirka weerarka ka ciyaara uu soo xushay kooxaha ugu waa weyn Yurub, sida ay qoreyso Goal.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Torres, oo qandaraaskiisa uu dhacayo ilaa 2021, laga yaabo inuu xagaagan ku dhaqaaqo qiimo jaban.

Qandaraaskiisa ayaa lafy burburin karaa 100 milyan euro. Laakiin hadii uusan cusbooneysiin qandaraas kale, Valencia ayaa waayi doonta wax xagaaga soo socda.

Kooxda ayaa doorbideysa inay lacag kaash ah ku helaan Torres xagaagaan halkii ay ku seegi lahaayeen six or ah xili ciyaareedka soo socda.

Inter

Madaxweynihii hore ee Inter Milan Massimo Moratti ayaa soo jeediyay in uu ku fakiray inay isku daydo saxiixa weeraryahanka Barcelona Lionel Messi.

Inkastoo xiddiga reer Argentina uu ku riyaaqay mustaqbal kiisa Camp Nou, 32 jirkaan ayaan weli u ciyaarin koox aan aheyn kooxda reer Catalan.

Iyadoo Barcelona lagu eedeeyay inay mushaaraad sare ku qancisay ciyaaryahanka, Moratti ayaa sheegay in Inter ay tahay inay isku daydo inay soo xerogeliso kubadsameeyahaan.

Isagoo lahadlayay Rai, Moratti wuxuu yiri: “Macno ahaan maahan riyo aan macquul aheyn. Malaha waxay aheyd xaaladdan ka hor, waxaana qabaa inay jirto dadaal ay milkiilayaasha isugu dayeen Messi inay keenaan Inter.

Markasta oo aad u baahan tahay Messi waxaad wajaheysaa xaalad adag waayo waa nin ku qancsan kooxdiisa.

Barcelona ayaa hada raadineysa inay hubiso saxiixa weeraryahanka kooxda Inter Lautaro Martinez.