Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay si rasmi ah u laashay qiimaha Pierre-Emerick Aubameyang iyadoo la sheegay inuu ku bixi karo £ 31m weeraryahanka.
Aubameyang ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu ka tagayo Emirates dhowaan, waxaana uu arki doonaa heshiiskiisa haatan kooxda Mikel Arteta oo dhacaya xagaaga soo socda.
Real Madrid iyo Barcelona ayaa labadaba lagu qiimeeyay inay xiiseynayaan xiddiga heerka caalami ee dalka Gabon, sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport, Arsenal ayaa haatan hoos u dhigtay qiimaha kabtankooda.
Warbixinta ayaa sheegeysa in Gunners ay laashay qiimihii 50 milyan euro ee ay duldhigtay Aubameyang, iyadoo haatan aqbali doonta dalab 35 milyan euro ah.
Hadii Arsenal ay go’aansato inay iibin Aubameyang suuqa kala iibsiga xagaagan, ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Gabon ayaa si xor ah ku tagi kara .
30 jirkaan ayaa diiwaan galiyay 17 gool oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, waxaana uu guud ahaan dhaliyay 61 gool 97 kulan oo uu u saftay Arsenal tan iyo markii uu kaga soo biiray Borussia Dortmund bishii Janaayo 2018.



