Wasaaradda Horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa maanta daah-furtay nidaam casri ah oo si fudud loogu diiwaangelinayo mihnadleyaasha caafimaadka ee ku sugan gobollada iyo degmooyinka, kuwaas oo si mutadawacnimo ah uga qayb-qaadan doona ka hor-tagga iyo u diyaargarowga xanuunka COVID-19.
Munaasibad lagu shaacinayey bilowga habkan casriga ah oo qof kasta oo mihnad caafimaad lihi uu si fudud isu diiwaangelinayo isaga oo gurigiisa ama goobtiisa shaqada joogo, ayaa lagu qabtay xarunta wasaaraada Horumarinta caafimaadka.
Wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Soomaaliland Cumar Cabdillaahi Cali oo ugu horrayn madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu nimaadkani leeyahay iyo sida uu uga qayb qaadanayo yaraynta isu imaanshiyaha bulshada, isaga oo intaas ku daray mihnadle kasta oo isa soo diiwaangeliya ay wasaaraddu si fudud u arkayso macluumaadkiisa iyo heerka aqoontiisa, islamarkaana uu noqon doono adeego bulsho waqti kasta loo baahdo inta xanuunkani jiro.
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, ayaa isaguna bogaadiyey nidaamkan casriga ah ee sida fudud loogu diiwaangelinayo xirfadleyaasha caafimaadka, waxanu ugu baaqay cid kasta oo aqoon caafimaad leh inay is diiwaangeliso, si ka hortagga Aafada COVID-19 loogu helo xirfadleyaal aqoon buuxda u leh arrimaha caafimaadka.



