Chelsea iyo Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u yihiin inay Lautaro Martinez u soo bandhigaan heshiis laba jibaar lacagta hadda u qaato si ay meesha uga saarto xiisaha uga imaanaya Barcelona.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegayay in weeraryahanka Inter Milan uu ku dhow yahay inuu ku biiro Camp Nou, iyadoo qalbiga xiddiga reer Argentina uu uu kujiro la shaqeynta kooxda Quique Setien.
22-sano jirkan ayaa la sheegay in uu diiday in uu cusbooneysiiyo heshiiska uu kula joogo kooxda Inter, iyasoo la sheegay in lagu burburin karo qandaraaskiisa 92 milyan oo ginni.
Sida laga soo xigtay Sport, Chelsea iyo City ayaa diyaar u ah inay u soo bandhigaan Martinez 10 milyan euro sanadkii, taasoo ah ku dhawaad labo jibaar lacagta kooxda Antonio Conte ay siiso hada ciyaaryahanka.
Si kastaba ha noqotee, warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in Barcelona ay ku kalsoon tahay inay wali heshiis la gaarto Martinez.
Xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina ayaa diiwaangeliyay 11 gool 22 kulan oo Serie A uu saftay intii lagu jiray xilli ciyaareedkaan la hakiyay ee 2019-20.