Gudiga ka hortaga Caabuqa Covid 19 ee degaanada Galmudug ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb.
Guddiggaan ayaa waxaa ay saareen qodobo ay ka mid yihiin in la xiray Xuduudaha Galmudug, sidoo kalena in la joojiyay Kulamada dadweynaha.
Gudigaan oo heer maamul Gobaleed ah oo ka kooban 11 xumnood oo uu dhawaan magacaabay madaxweyne ku xigeenka DGGM, Mudane, Cali Ciid ayaa soo bandhigay Qorshah gudigu uga Hortagayo Caabuqa Covid 19.




