Kadib kulan deg deg ahaa oo ay yeesheen Xubnaha guddiga Amniga ee gobolka Bari oo ka kooban Maamulada degmooyinka iyo Taliska Booliska ayaa waxaa ay soo saareen awaamiir Culus oo ku saabsan dhinaca Amniga & ka hortaga Cudurka Coronavirus.
Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) oo Awaamiirta akhriyey ayaa sheegay in dhamaan heegan la geliyey Ciidamada ku sugan gobolka Bari iyo in dhamaan Shaqaalaha ka howlgalla Gobolka Bari ay Shaqadooda xadidaan lana Shaqeeyaan Ciidamada.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in laga bilaabo 1-da Bisha Apriil in la joojiyey Basaska ka dhex Shaqeeya Magaalada Boosaaso iyo Guud ahaan degmooyinka Gobolka Bari muddo 15 Cisho ah,si looga hortago Cuudrka COVID 19.
Qodobka ugu muhiimsan ee kualnaka ayaa waxaa kamid ah in laga bilaabo 1-da Bisha Apriil Magalada Boosaaso iyo guud ahaan Gobolka Bari laga dhigey bandow Habeenkii ah oo bilaabaneysa 6:00 Habeenimo kuna eg 5:00 Subaxnimo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha gobolka Bari oo Sharaxaya Awaamiirta kasoo baxdey.