Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu diley Koonfur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay waxaa ay Gudaha dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa caadiga ah ee Shaqo.

Kooxda ayaa weerartay muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Yaasiin Maxamed Yalaxow,xilli oo ku sugnaa Goobtiisa Ganacsi oo ku taalla Xaafadda Philipi ee Magaalada Cape Town.

Guddoomiyaha Soomalaida ku nool Xaafada Magaalada Cape Town Cabdi Calas ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey dilka muwaadinka Soomaaliyeed,waxaana uu sheegay inay goobta ka baxsadeen kooxda Burcadda aheyd ee dilka geysatay.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka sida aadka ah loogu dilo Soomaalida,waxaana sanadkii tegay ee 2019 lagu diley dadkii ugu badnaa ee Soomaali ah,waxaana jirin ilaa iyo hadda cid ka hadasha dilalka Soomaalida loogu geysanayo dalkaas.