SAWIRO:-Madax ka qeyb-gashay Aaska Guddoomiyihii Gobolka Nugaal

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland waxaa Maanta lagu Aasay Gudoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Gu’jir oo xalay lagu diley weerar ismiidamin ahaa oo Al-Shabaab ka fuliyeen Magaalada Garoowe.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeyb-galay Madax ay kamid ahaayeen Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, Labadii Madaxweyne ee Hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Cabdiweli Maxamad Cali Gaas iyo Saraakiil kale AUS  iyo Xubno kale.

Dhamaan madaxda ka qeyb-gashay Aaska ayaa waxaa ay sheegeen in Marxuum Cabdisalaan Gu’jir oo ahaa qof Wanaagsan oo Shaqa badan kasoo qabtey deegaannada Puntland,iyaga oo u rajeeyey in uu Eebe ka waraabiyo Janada Fardowso.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Goobta Aaska ka hadlay ayaa sheegay inasyan iloobi doonin waxqabadkii Cabdisalaan Gu’jir oo mar kamid ahaa Ciidamada Maamulka Puntland.