Kooxda Chelsea oo dooneysa goolhayaha AC Milan

Chelsea ayaa xiriir la sameysay wakiilka Mino Raiola si ay kala hadlaan wax ku saabsan goolhayaha AC Milan Gigio Donnarumma.

Majlada Express ayaa sheegeysa in Chelsea ay weydiisatay Raiola inuu wadahadalada qandaraas kordhin ah la sameeyo AC Milan.

Xiddiga reer Talyaani ayaa galaya 12ka bilood ee ugu dambeeyay qandaraaskiisa, waxaana Milan ay dooneysaa inay heshiis waqti dheer ka saxiixdo.

Laakiin wada xaajoodka Raiola ayaa ka warqaba in xiisaha ay u qabaan Real Madrid iyo Paris Saint-Germain iyo sidoo kale The Blues ay meel sarre mareyso.

Donnarumma, oo 21 jir ah, waxaa lagu qiimeeyaa aduun dhan 55 milyan ginni Chelsea oo raadineysa inay iska iibiso goolhayaha reer Spain Kepa xagaagaan yaana u aragta bedelkiisa.

Kepa Arrizabalaga ayaa waayay kalsoonida Frank Lampard waxaana uu u arkaa bedelkiisa Donnarumma oo katirsan Milan.

Sancho

Tababaraha kooxda Man United Ole Gunnar Solskjaer iyo gudoomiye ku xigeenka Ed Woodward ayaa ku heshiiyay inay udhaqaaqaan xiddiga kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho.

Wargayska London Evening Standard ayaa sheegaya in Solskjaer iyo Woodward ay isku afgarteen saxiixa 20 jirkaan.

Waxaa la sheegayaa inay u tixgeliyaan inuu yahay nin ku habboon maxaa yeelay waa nin ku doodaya inuu noqon karo xiddig caan ka ah kooxda.

Tababaraha United Solskjaer ayaa runtii rajeynayay inuu Sancho kusoo daro kooxdiisa xagaaga.

Si kastaba ha noqotee, kooxda ayaa ku guuldareysatay inay ku dhameysato afarta koox ee ugu sareysa Premier League iyo inay xaqiijisato u soo bixitaanka Champions League ugu dambeyntii waxay u muuqatay inay seegeen.

Warar kale ayaa soo jeedinaya inay diyaar u yihiin inay gacanta ku dhigaan funaanada 7-aad ee ay sameeyeen caanka kooxda sida George Best, Cristiano Ronaldo, Eric Cantona iyo David Beckham.