Paul Pogba oo ka caawin kara Manchester United hal Arrin

Saxafiga kubada cagta Faransiiska Julien Laurens ayaa sheegay in Paul Pogba uu ka caawin karo Manchester United saxiixa weeraryahanka Barcelona Antoine Griezmann inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Barca ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaariso iibinta xiddiga reer France, United ayaa sidoo kale la sheegayaa inay miisaameyso inay lasoo wareegto, xitaa waxay u diyaarisay lambarka 7-aad ee weeraryahankii hore ee Atletico Madrid.

Laurens ayaa sheegay inuu “aad ula yaabi doono” haddii Griezmann uu ku biiro United.

Sikastaba, saxafiga ayaa sheegay in u dhaqaaqista Old Trafford ay suurta gal tahay hadii 29-sano jirkaan uu qalqaaliyo ninka ay isku wadanka yihiin ee Pogba, kaasoo wali lala xiriirinayo inuu iosaga tagayo Old Trafford.

“Aad ayaan ula yaabi lahaa hadii Griezmann uu ku biiro United] ayuu Laurens u sheegay ESPN FC. “Waxa u codsan kara inuu u dhaqaaqo Manchester United sabab la xiriirta Paul Pogba. Laakiin ma hubo inta dammaanad ee uu ka heli doono Paul Pogba inuu sii joogi doono xilli ciyaareedka soo socda.

Si kastaba ha noqotee, haddii uu jiro dammaanad ah in Pogba sii joogi doono kooxda, markaa waxaan u maleynayaa in Griezmann uu jeclaan lahaa inuu la ciyaaro saaxiibkiisa ugu fiican Pogba heer kooxeed iyo xulka qaranka.

Griezmann, oo qandaraaska uu kula joogo kooxda Camp Nou socan doono ilaa xagaaga 2024, waxa uu dhaliyay 14 gool isagoo afar caawin sameeyay 37 kulan uu u saftay kooxda Quique Setien xilli ciyaareedkan.