Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ay ka bilaawdaan diiwaangelinta musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoonka Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed.
Guddiga doorashooyinka Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay ku dhawaaqey shuruudaha laga doonayo qof walba oo musharax ah iyo xilliga ay dhaceyso doorashada.
In kastoo weli uusan jirin musharaxixiin si rasmi ah isugu soo taagay xilka Guddoomiyaha & guddoomiye kuxigeenada Baarlamaanka K/Galbeed marka laga reebo hadalheyn ku aadan in Cali Saciid Fiqi Safiirkii Soomaaliya ee Midowga Yurub uu kamid yahay Xubnaha Musharixiinta ayaa waxaa warar la helayo ay sheegayaan in Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed ay kamid noqon doona musharixiinta.
Diiwaangelinta musharixiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo labadiisa kuxigeen ayaa ku eg Maalinta berito ah,iyada oo doorashada la filayo inay dhacdo 1-ka April oo ku beegan Arbacada soo socota.