Madaxda Hirshabeelle oo ka shiray dagaalka Al-Shabaab

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta shir guddoomiyay Shirka Guddiga Amniga HirShabelle oo looga hadalayay Amniga Guud ee Deegaannada HirShabelle, waxaana kulanka goob joog u ahaa Madaxweyne Ku Xigeenka Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiirada Arimaha Gudaha, Amniga, Cadaalada, Dhaqan celinta Maleeshiyaadka, Guddoomiyeyaasha Gobolada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan, Taliyaha Ciidanka Booliska HirShabeelle Taliyaha Qeybta 27aad CXD iyo Saraakiil kale.

Kulanka Waxaa diirada lagu saaray Nabadeynta deegaanada xurta ah iyo sidii loo wajihi lahaa ladagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in uu qorsheynaayo in Al-Shabaab laga saro degaanada ay kaga sugan yihiin Hirshabeelle.