Kooxda Barcelona oo dooneysa xidigii hore ee Tottenham

Sida ay sheegeyso jariirada Mundo Deportivo, Barcelona ayaa dooneysa inay la soo wareegto xiddig cusub oo khadka dhexe ah si ay ugu buuxiso boosaska ay baneynayaan Arturo Vidal iyo Ivan Rakitic.

Xiddiga diirada u saaran waa Tanguy Ndombele kaasoo u muuqda inay isku dhaceen tababaraha Tottenham Jose Mourinho.

Xidigaan ayaa waxaa la sheegay in uu aad ugu wanaagsan yahay ka ciyaarida Khadka Dhexe,waxaana uu muhiim u yahay Kooxda Barcelona oo xilligaan la daalaa dhaceysa Ciyaaryahan uga Ciyaara Khadka Dhexe.