Laacibka qadka dhexe ee Barcelona Philippe Coutinho ayaa dib ugu laaban ara horyaalka Premier League.
Jariiradda The Mirror ayaa sheegeysa in Coutinho uu rajeynayay inuu ku laabto England isagoo dalab ka heysta kooxaha afarta ah ee ugu sareysa Premier League.
Chelsea, Manchester United, Arsenal iyo Spurs ayaa dhamaantood wax ka weydiiyay wakiilkiisa sida uu ku heli karo ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Brazil dhamaadka xilli ciyaareedkan.
27-jirka Samba ayaa helin qaab ciyaareed sarre tan iyo markii £ 142 milyan oo uu ugu wareegayo Barcelona bishii Janaayo 2018.
Waxa uu lumiyay kalsoonidiisii Nou Camp, isagoo ku guuldaresytay inuu soo jiito taageerayaasha Barca oo aan ku qancin qaab ciyaareedkiisa.
Xagaaga wuxuu si amaah ah ugu biiray kooxda Bayern Munich laakiin kooxda reer Jarmal ayaa muujisay inaysan diyaar u ahayn inay heshiis joogto ah la gaarto dhamaadka xili ciyaareedkaan.
mushaharka Coutinho ee ah 240 kun ginni isbuucii ayaa haatan cabaqad ah iyadoo 100 milyan ginni uu ku sii joogi karo Bavaria.
Midkoodna kooxaha Premier League heshis joogta ah kuma doonayaan, iyadoo xiddiga reer Brazil ay ku doonayaan amaah.



