Waxaa la xaqijiyey in Cudurka Coronavirus uu u geeriyoodey Madaxweynihii hore ee Kooxda kubadda Cagta Real Madrid ee ka dhisan wadanka Spain Lorenzo Sanz,kaas oo da’adiisa lagu sheegay inay aheyd 76 sano.
Talaadadii la soo dhaafey ayaa la geeyey Isbitaal Lorenzo Sanz kadib markii uu xanuun kusoo boodey,waxaana dhaqaatiirta ay xaqiijiyeen in laga helay Cudurka dalal badan ku baahey ee Coronavirus.
Madaxweynihii hore ee Kooxda kubadda Cagta Real Madrid Lorenzo Sanz ayaa xilkaasi waxaa uu ahayey sanadihii 1995-2000, waxaana xilliyadaas ay Real Madrid ku guuleysatay labo jeer Koobka Champions League.
Si kastaba ciyaartooy farabadan ayuu ku dhacay Cudurka Coronavirus ,waxaana taasi ay sababtey in la hakiyo Ciyaaro farabadan.



