Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Maamulka puntland Cali Xaaji Warsame oo marna soo noqday Musharax Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa waxa uu Eedeyn u jeediyay Baarlamaanka puntland oo uu sheegay inay Shaqadooda gabeen.
Waxa uu sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka puntland ee hadda shaqeeya ay yihiin kuwo u badan dhalinyaro waxbartay balse ay yihiin kuwa ugu musuq maasuqa badan rajadii laga lahaana ay meesha ka baxday.
Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray Siyaasiga in la doonaayo in maamulka puntland uu yeesho Baarlamaan Shacabka matala oo lala xisaabtamo maadaama ay Shacabka matalaan.
Ugu dambeyn waxa uu tibaaxay in Baarlaaanka laga rabo in ay la xisaabtamaan madaxda talada haysa ayna wax ka waydiiyaan madaxda miisaaniyada maamulka puntland iyo sida loo kala bixiyay.



