Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku diley Xubno ka tirsan Al-Shabaab

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey degmo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay shalay oo ku beegneyd 7/3/2020 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen meel u dhow deegaanka Gandarshe ee Gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen Afar xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab,sidoo kalena ay ku taageerayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab,sida uu sheegay kuxigeenka Maareeyaha Howlgalada Taliska Afrika ee Afrika Janeraal Miguel Castellanos.

“Mareykanka waxay si dhow ula shaqaysaa la-hawlgalayaasha caalamiga ah dadaallada la xiriira horumarinta waaxda amniga, oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, AMISOM iyo waddamada kale ee ku tabaruca ciidamada Wadajir ahaan, waxaa naga go’an horumarka Soomaaliya ee sii kordhaya ayaa lagu yiri”Qoraalka Mareykanka.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2020 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya,isla markaana uu la beegsanayo Xarumaha Al-Shabaab iyo Daacish-ta ka Soomaaliya,waxaana bilihii ugu dambeysay duqeyntii ugu badneyd uu ka fuliyey Gobolada Jubbada Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.