Wasaasarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, iyadoo ka ambaqaadayso masuuliyadeeda ah in ay si joogta ah ula wadaagto bulshada Soomaaliyeed, xaaladda caabuqa COVID-19, si bulshadu ula socoto xaaladda caabuqa iyo dadaalada socda waxay idinla wadaagaysaa war saxaafadeedkaan.


Caabuqa Corona ayaa saameyn ku reebay dalal badan, wuxuu kasoo bilowday Shiinaha oo uu ku dilay in ka badan 3,000 qof.
Dowladaha caalamka ayaa heegan ugu jiraa sidii looga hortaggi lahaa Corona.
Qaaradda Afrika, dalalka kala ah Masar, Morocco, Tunisia, Nigeria iyo Senegal ayaa shaaca ka qaaday kiiskii ugu horreeyay ee caabuqa Corona.



