Heshiis taariikhi ah oo maanta dhexmaray Mareykanka iyo kooxda Taliban

Dowladda Maraykanka iyo Kooxda Taliban ayaa kala saxeexday heshiis looga golleeyahay in lagu jidka loogu xaaro nabadda Afghanistan ka dib in kabadan 18 sano oo dagaallo ah.

Mareykanka iyo xulafadiisa Nato aya isku raacay inay ciidamadooda kala baxaan waddankaasi, 14 bilood gudahood haddii jihaadiyiintu oggolaadaan heshiiska.

Mike Pompeo Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka  iyo hogaamiyaasha Taliban ayaa ka qeyb galay xafladda saxiixa oo ka dhacday magaalada Doha ee dalka Qadar.

Wadahadallada u dhexeeya dowladda Afqanistaan iyo Taliban la filayaaa in xog dheeraad ahi ka soo baxdo

Sida ku xusan heshiiska lagu saxiixay Doha, Taalibaan waxay kaloo ogolaadeen inaysan u oggolaanin al-Qaacida ama koox kale oo xag-jir ah inay ka shaqeeyaan aagagga ay ka taliyaan.

Mareykanka ayaa weerarey Afghanistan asbuucyo kaddib weerarradii Sebtember 2001 ee ay geysteen kooxda al-Qaacida ee fadhigeedu yahay Afghanistan.