DEG DEG: Dagaal ka socda Magaalada Dhuusamareeb

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in goordhow wuu halkaasi ka bilaawdey dagaal u dhaxeeya Ciidanka Dowladda iyo kuwa Ahlusunna.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka socdaa aaga Xarunta Inji ee Hooyga u ah Madaxda Ahlusunna,waxaana Goobjoogayaal ku sugan Dhuusamareeb ay sheegeen in mar qura jawiga Magaalada uu si bedelay mararka qaarna la maqlayo jug culus.

Xaalad kacsanaan ah ayaa laga soo sheegayaa Magaalada Dhuusamareeb,waxaana aaga dagaalka uu ka socdo ee Xarunta Inji iyo Madaxtooyada Gamudug ay saakay ilaa xalay ka barakaceen dadkii Shacabka ahaa ee deganaa.

Xalay ayay aheyd markii agagaarka Xarunta Inji oo ay degan yihiin Madaxda Ahlusunna uu dagaal ku dhexmaray Ciidanka Dowladda & kuwa Ahlusunna,kaas oo uu ku geeriyooday askari ka tirsan Dowladda laba qof oo Shacba ahna ay ku dhaawacmeen.

Wararka kusoo kordha kala socda WWW.Radiorisaala.com