Jubbaland oo Ciidamo horleh geysay Gobolka Gedo

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay Ciidamo horleh u direen degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo,halkaas oo dhawaan dowladda Soomaaliya ay geysay Ciidamo farabadan.

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Jubbaland kuna hubeysan Gaadiidka dagaalka oo tiro ahaan gaaraya ilaa 150 Askari ayaa waxaa ay xalay ka ambabaxeen magaalada Dhoobley,iyaga oo sii maray deegaannada Diif, Gariiley, Ceel-Waaq.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamadaan ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegen in sababaha Ciidamada ay ugu daabulayaan Gobolka Gedo ay tahay inay ka qeyb qaataan sugida Amniga degmooyin ay sheegeen inay ka jireen rabshado iyo falal amaanka lid ku ah.

In kastoo degmada Beled-Xaawo ee Gobolka gedo ay dowladda Soomaaliya geysay Ciidamo farabadan ayaa Jubbaland waxaa ay sheegtay in Ciidamadaan ka tirsan kuwa daraawiishta Jubbaland ay ku biireen Ciidamo kale oo ka tirsan Maamulkaas oo ku sugan Beled-Xaawo.