Dhageyso:-Maxkamadda Gobolka Banaadir oo shaacisey dhibaato ka jirta Xabsiyada

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka banaadir Muuse Macalin Maxamed oo ka qayb galayay munaasabad lagu waynaynayay 50 sano guuradii kasoo wareegtay markii la’aas aasay Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo xalay lagu qabtay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Carruurta Soomaaliyeed ay dhibaatooyin ku qabaan xabsiyada dalka.

Waxa uusheegay in aysan jirin Xabsi ugaar ah Caruurta oo loogu talagalay in lagu xero mararka ay galaan faldambiyeedyada balse lagu dhex xiro dadka waawayn xabsiyada ay kujiraan.

Waxa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray  Guddoomiyaha in dhawaan uu xabsiga kasii daayay laba Caruur ah oo galay fal dambiyeed maadaama aysan jirin meel ugaar ah oo loogu talagalay in lagu xiro caruurta.