Xukumadda Somaliland ayaa sheegtay in weftiga dawladda Itoobiya ee wasiirka maaliyadda Mudane Axmed Shide hoggaaminayay aanay wax culays ah ku saarayn sidii Farmaajo u iman lahaa magaalada Hargeysa.
Wasiirka warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in weftigu u socday arrimo ku saabsan dekedda Berbera iyo jidka Berbera Coridor, islamarkaana aanay jirin wax iska bedelay mawqifka Somaliland ee dhawaan madaxweyne Biixi ka sheegay baarlamaanka.
“Wax allaale wax arrintaa ka jiraa ma jiro. Dawladda Somaliland iyo dawladda Itoobiya waxay leeyihiin xidhiidh aad u dhaw oo degaan ahaan iyo dal ahaan aan kala maarmin, waxa laga wada hadlayay danaha guud ee umadda Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeya haddii ay tahay ganacsi, DP World iyo Berbera Coridor waxaana cad oo meel looga leexdo lahayn in madaxweynaha Somaliland laba cisho ka hor sheegay mawqifka Somaliland taaggan tahay marka meel wasiir wax ka odhan karo way dhaaftay goleyaasha ayuu madaxweynuhu u sheegay siyaasadda Somaliland halka ay taaggan tahay iyo waxa umadda Somaliland rabto.”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland.
Hadalka Wasiirka ayaa yimid xilli ay soo baxayay Warar sheegaya in dowladda Itoobiya ay wali Caddaadis ku saareyso Somaliland in uu Hargeyso taggo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.