Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo soo xiray kalfadhiga 6-aad ee golaha

 Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in uu xirmay kalfadhiga 6-aad ee golaha.

Guddoomiyaha ayaa si rasmi ah xiray kalfadhiga 6-aad ee golaha, kalfadhiga 7-aad ayaa la furi doonaa  Saddex bilood ka dib.

Waxaa uu sheegay shaqooyin badan in ay qabteen Xildhibaanada oo ay ka mid yihiin Ansixinta Sharciga doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dib ugu laaban doona degaanada laga soo doortay si ay u ogaadaan Xaaladdaha ka jira.