Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerar Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland lagula eegtay duleedka deegaanka Qooqaani oo 150KM u jirta magaalada Kismaayo.
Weerarkaas ayaa la sheegay in uu yimid,kadib markii qarax Miino loo dhigey Ciidamo ka tirsan Jubbland oo ku wajahnaa degmada dhoobleey,isla markaana horudhac u ahaa Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland oo ku wajahan Magaalada Dhoobleey,waxaana halkaasi ka dhacay qaraxa kadib dagaal xoogan.
Dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku warameen in qaraxa uu qabsadey Gaari Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen Ciidamada Jubbaland,waxaana Saraakiil ka tirsan Jubbaland ay sheegeen in qaraxa iyo dagaalka ay la galeen Al-Shabaab ay uga dhinteen laba Askari laba kalana ay uga dhaawacmeen.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in dagaalka ay Al-Shabaab uga dileen 8 Xubnood,isla markaana socdaalkoodii ay iska sii wateen kuna tageen degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.
Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayana in halkaasi laga dareemayo qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland oo saacdaha soo socda tagaya.



