Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM.
Kulankaan ayaa looga hadlay arrimaha Ammaanka Degaannada Hirshabelle iyo Qorshaha Xoreynta, furista Wadooyinka.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ka dalbaday AMISOM uga qeyb qaadan laheyd fulinta Howlgalada lagu xaqiijinayo ammaanka deegaannada Hirshabelle.
Kulanka Madaxweynaha waxaa Ku wehlinayay Agaasimaha Guud Madaxtooyada maamulka Hirshabelle Ambassador C.qaadir Xooshow, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale, iyo Xubno kale oo ka tirsan Madaxtooyada Hirshabelle.



