Kooxda Kubadda Cagta ee Manchester United ayaa xalay waxaa ay guulweyn ka gaartay kooxda Chelsea, kaddib markii ay kaga adkaatay 0-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.
Kulanka qeybtisiii hore ayaa waxa ay Ciyaarta ku dhamaatay oo ay ku hoggaamineysay Kooxda Kooxda Manchester United oo Garoonkooeda lagu Ciyaaryay,hayeeshee qeybtii dambe ee Ciyaarta ayaa wax walba is bedeleen.
Daqiiqadii 45-aad Man United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Anthony Martial, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Aaron Wan-Bissaka.
Daqiiqadii 66-aad kooxda Manchester United ayaa markale waxaa u surtagashay inay helaan Goolkii labaad oo uu u dhaliyey Ciyaaryahan Harry Maguire,waxaana Caawiyey Ciyaaryahan caawiyay Bruno Fernandes.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-2 oo ay ku adkaatay Manchester United oo garoonka Stamford Bridge marti ugu aheyd kooxda Chelsea.