Faahfaahin Wariye lagu dilay Afgooye

Kooxo hubeysan ayaa ku dilay degmada Afgooye Wariye Cabdi Wali Cali Online oo ka howlgalaayay TV-ga Universal.

Waxaa uu ka mid ahaa Wariyeyaasha sida wanaagsan looga yaqaanay gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan degmada Afgooye oo uu dhowr sano ka shaqeynaayay.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan Najax ayaa ka hadlay dilka Wariyaha ayaa ka dalbaday Ciidanka Amniga soo qabashadda Kooxihii ka dambeeyay dilka Wariyaha.

“Hey’adaha amaanka ee Degamada Afgooye waxaan farayaa inay baaritaan rasmi ah ay ku sameeyaan kooxa dilka geystay gacantana lagu soo dhigo Saaxibkeen waxa uu si dhaw ula shaqeynayay Maamulka Gobolka” ayuu yiri Gudoomiye Najax.