Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay nin gacan ku dhiigle ah

Ciidanka booliska magaalada Hargeysa ayaa gacanta ku soo dhigay nin laba todobaad ka hor dil u gaystay marxuum ku sugnaa degmada Gumar ee gobolka Hawd ee Somaliland.

Taliska Ciidanka Booliska ayaa xaqiijiyay qabashada gacan ku dhiiglaha oo maalmihii lasoo dhaafay baxsad ku ahaa degaano ka mid ah Somaliland.

Cali Muuse Xassan oo ah ninka dilka gaystay ayaa shalay galabtii laga soo qabtay degaanka Xaraf oo ku taala duleedka galbeed ee magaalada Hargeysa.

Qaar ka mid ah  waxgaradka iyo cuqaasha degmada Gumar ayaa uga mahadceliyay Ciidanka Booliska soo qabashadda ninkaan oo ay sheegeen in uu dil geystay.