Xabsiga Garowe oo lagu kordhiyay qeyb dumarka u gaar ah

Madaxweyne ku-xigeenka maaamulka Puntland ayaa Daah-furay Dhismeyaal Cusub Oo Lagu Kordhiyay Xabsiga weyn ee Garoowe.

Madaxweyne Ku- xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyay Xabsiga weyn ee magaalada Garoowe, gaar ahaan Guryaha Qoysaska Ciidanka Asluubta, waxaana sidoo kale uu xariga ka jiray qeybta dumarka ee Xabsiga Garoowe.

Daah-furkan waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehilinayay Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland Gen, Cali Nuur Cumar, Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Aamino Cismaan Xaaji ,Saraakiil iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland.