Shaqaale gargaar oo lagu dilay Koonfurta Sudan

Qaramada Midoobay ayaa dhaleecaysay dilka lix qof oo shaqaalaha gargaarka ah oo lagu khaarajiyey dalka South Sudan.

Shaqaalahani waxay u socdaalayeen dhanka bari ee dalka iyagoo ka baxay caasimadda Juba oo ku sii jeeday magaalada Pibor maalintii Sabtidii oo weerar gaadmo ah lagu dilay.

Waa tiradii ugu badnayd ee shaqaalaha gargaarka ah oo mar qudha goob lagu wada dilo tan iyo intii ay bilaabantay colaadda South Sudan.

Xaalada colaada iyo qaxootiga Koonfurta Suudan ayaa noqotay mid cirka isku shareeraysa iyadoo dilka loo geysanayo dadkuna ay xaaladda sii murginayaan.

Isuduwaha arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudan Eugene Owusu ayaa dhacdadan ugu dambeysay ku tilmaamay dil foolxun waxaa uuna intaasi raaciyay in aan la aqabali karin in la weeraro oo la dilo dadka gargaarka fidinaya.

Weerarkan ayaa ah midkii saddexaad ee lala eegto shaqaalaha gargaarka ee dalka ka shaqeynayo mudo bil gudaheed ah, 14-kii bishan shaqaale caafimad iyo dad bukaana ayaa la dilay kadib markiii kolonyo baabur ah oo siday dad rayid ah lagu weeraray bariga Yirol ee waqooyiga cassimada Juba.